| |
Friday May 30, 2008
Laba Shariif sharaf ayaa u siyaaddey
shacabka Soomaliyedna Sheeko cusub.
Ilo wareedyo laga helaayo gudaha iyo dibadaba gaar ahaan, waqooyiga
Ameerika, Europe, Asia iyo Afrika, waxaay tibaaxayaan in shantii beri ee
lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed, shantii meel isugu timaad, teleefon
isku maqasha amba email@ isu dira , waxay ka sheekey-sanaayeen sheekada aay
beryahaan qalabka warbaahinta isku dhaafsanaayeen Halyey Sheekh Shariif
Sheekh Ahmed iyo sheybka reer shaatiya badan Col. Sheekh Hassan Dahir Aweys.
seddex amba afar shantii qofoodba waxay aad u soo dhoweeyeen mowqifka labada
Shariif oo ah" inaysan macquul aheyn in markasta la taagnaado sida aan wax u
rabo haddii aan la yeeleyn wax kale Soomaliya kama socon doonaan"
Shacabka Soomaliyeed ee sida ba'an ugu harraadka qaba helitaan qaranimo
Soomaliyeed iyo dabar goyn dagaalada soo jiitamaayey ku dhowaad 18 sano ayaa
aad ula dhacey mowqifka cad ee aay qaateen laba Shariif iyo mas'uuliyiinta
kale ee miisaanka culus ku leh masraxa siyaasadda Soomaliya.
Waxaa xaqiiq ah inaay laba Shariif iyo xubnaha kale ee ku mowqifka ah inaay
mar labaad kasban-doonaan kalsoonida Shacabka Soomaliyeed haddii aay noqdaan
mucaarid wax dhisaaya amba muxaafidiin feejigan, waayoo waxaa jira wax-yaala
badan oo u baahan in wax laga qabto marka lagaaro xilligeeda ku habboon sida
wadanka oo laga saarod Ciidamada Ethiopia, dastuurka oo wax laga bedelo iyo
Shacabka oo loo ogolaado inaay soo doortaan Xildhibaano bedela kuwa hadda
jira oo aan doorasho Shacabka Soomaliyeed ku imaan.
Waxaa muuqaneysa bidhaan ah in Shacabka Soomaliyeed gaarey biseyl
siyaasadeed oo ah in la taageero waxkasta oo wanaag u muuqanaaya (good veiw)
lagana gudbey riyadii aheyd haddii aan nahey heer hebel amba beel hebel
Soomaliya oo dhan ayaan ku qasbi kareynaa wixii aan doonno.
Laba shariif sharaf ayaa u siyaaday shacabka Soomaaliyeedna sheekooyin cusub.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|