Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Thursday August 21, 2008

Dagaallo xoogan oo Kismaayo  KU dhexmarey Alshabaab iyo maleeshiyo beeleed.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacayey iska horimaadyo iyo iyo dagaallo ay isku hayeen kooxo qabiili ah iyo koox diineedka loo yaqaano Al-shabaab, dagaaladaasi oo geystey qasaaro lixaad leh ayaa kii ugu dambeeyey ee dhacey maanta waxaa ku geeriyoodey dad tiradooda lagu sheegey  15 qof,.

Dadkaasi geeriyoodey ayaa waxaa ka badan inta ku dhaawacantay dagaalka waxaana ay sheegayaan dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka inay jiraan tira dad ah oo aan la soo gaarsiini isbitaalada.

Maleeshiyaadka Magaalada gacanta ku haya ayaa wali ka arimanaya meelo ka mid ah Magaalada Kismaayo ,ayadoo maanta dagaalkaasi uu ahaa kii ugu cuslaa ee dhawaanahan ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Warar ka Madax banaan dhinacyada Siyaasada ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maleeshiyada Magaalada horey ujoogey & Ururka Al-Shabaab ay labaduba magaalada ku soo galeen hub xoog leh ayna doonayaan mar walba in ay dagaalka sii wadaan.

Afhayeen uhadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay magaalada ka saarayaan Maleeshiyada ka talineysay magaalada wakhtiyadii ugu dambeeyey waxayna sheegayaan inay doonayaan gacanta ku dhigaan gabi ahaanba magaalada Kismaayo.


Si kastaba ha ahaatee awaxaa la filan karaa dagaalka Kismaayo inuu noqdo mid aan lahayn ujeeddo cad maxaa yeeley kooxaha la dagaalama ciidamada Itoobiya oo ay ugu horeeyaaan Ururka Alshabaab ayaa waxay sheegaan inay ka horjeedaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waxaana ay dad badani isweydiinayaan sababta  ay u galeen dagaal ay kala horjeedaan dad caadiya ama maleeshiyo Soomaali ah oo halkaasi joogtey muddo sanado ah.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved