Monday August 11, 2008
Haweenka
Beesha Mudulood Dhaleecayn Dusha Uga Tuuray R/Wasaare Nur Cade
Rochester,
MN. Waxaa labo maalmood shir qadka
telfoonka (Teleconfrence) ku kulmayay haweenka Beesha Mudulood eek u kala
dhaqan Waqooyiga Ameerica iyo Yurub. Waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha
Ururka Haweenka Beesha Mudulood ee North America Casha Yabarow. Waxaana
shirkaas lagu falanqeeyay talaabada uu qaaday R/Wasaare Nuur Cadde taas uu
xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho
Md. Mohamed Omar Habeeb (M Dheere).
Waxaan halkan
ka cadeynaynaa in R/Wasare Nuur Cade uu ku deg degay xilka qaadista
Gudoomiyaha Gobolka. Waxaan xasuusinaynaa in R/wasare Nur in dowladu tahay
4.5 xilna la qaadi karo lana magacaabi karo masuul kale laakiin R/wassare
Nur ma magacaabi karo nin aan u dhalan Gobolka Banaaadir iyadoo wararka
hoose sheegayaan in uu soo wado nin aan gobolka u dhalan taasna waxay keeni
kartaa isku dhac. Waxan kaloo halkan dhaleceyn dusha uga tuuraynaa dadkii
dhigay mudaharaadkii loogu riyaqayay in xilka laga qaado G.G. Banadir
Mohamed Dheere taas o ku tusinaysa in qabiil ka dhex guuxayo kuwa qaxootiga
sheeganaya e ku sugan Siinka Dheer. Sabatoo ah Mohamed Dheere inuu ka saaray
xarumaha Dowlada kuwaas oo hoyaad u ahaan jiray kuwa sheeganaya qaxootiga.

Sababta an is
waydiinayano ayay tiri Gudoomiye Caasho yabarow waxay tahay dadkan maxay
guryahooda ugu naqan waayeen sida soomaalida kale ee Muqdisho ku nool ama
Gobolada ay ka soo haajireen taas macnaheedu waxay tahay inaysan dib u dejin
doonaynin. G. G. Banaadir ma aha wasiir Gaashaandhig cidna ma qixin ee
waxaan u malaynayaa in dabinka ay qaxooti isku sheegu malageeyaan in hadi ay
Hooy ku lee yihiiin in ilmahoodi dib ugu celiyaan meeshay hantida ku
lahaayeen ay ka waantoobaan geed hoostiis inay ku raadiyaan macaawino kaga
timaado dalka dibadiisa Ilmahoodana u ogolaadaan wax barasho intay bari
lahayeen xeryo qaxooti.
Hadaba shirkii
labada maalmood socday ayay haweenka Beesha Mudulood ku dhaleecyeen in R/Wasare
Nur Cade in uu ka baxay balamihii ahaa in uu la tashan doono dhamaan beelaha
Soomaaliyeed lakiin u u bedelay qancin uu qancinayo dadka nabada diidka ah.
Waxaan xasuusataan soomaaliyeey maah maahdii ahayd (NIN XAASKAADA RABO
GABADHAYDA HOO KAAMA YEELAYO) Marka R/Wasare Nur Cade ma qancin karayo
Rag raba inay la wareegaan Beesha deegaanada u kasoo jeedo iyo hantidoodaba
mana socon doonto inaan R/wasaare Nuur kugu taagerno ayay Shukri Tooxow oo
ah Xubin fir fircoon ee Beesha mudulood ku soo gabagabeeysay hadalkeeda.
Shukri
Tooxow Mohamed
Ahado97@yahoo.com
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |