Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Thursday August 21, 2008

Laba Markab oo kale oo lagu afduubey xeebaha Soomaaliya.

Burcad badeedka ka qawlaysta badaha Soomaaliya ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen laba Markab oo kale oo ay kala leeyihiin dalalka Japan iyo Iran.

Kooxan  burcad badeed Soomaali ah oo watay doonyaha  aad u dheereeya isla markaana hubeeysan ayaa waxaa ay xeebaha dalka Soomaaliya ku afduubteen Labo markab oo laga kala leeyahay wadamada Iran iyo Japan kuwaasi oo ay  saarnaayeen shaqaalihii maraakiibtasi ka sghaqeynaysay oo gaaraya kan Iran 19 shaqaale ah iyo kan Japan oo ay isagana la socdeen ku dhawaad 20 shaqaale ah.
Kooxaha burcad badeeda ayaa la sheegay in ka hor inta aysan markabka qabsan ay kurideen xabado  baasuukayaal taasi oo uu sheegay wasiirka kaluumeeysiga maamul goboleedka Puntland isla markaan ay maqlayeen qeylo dhaan ka soo yeereeysay markabla laga leeyahay wadanka Iran.

Labada markab ayeeyay kooxaha burcada ah waxaa ay ula dhaqaaqeen dhanka degmada Ayl ee dhulka maamul goboleedka Puntland halkaasi oo sida la sheegay ay ku badan yihiin kooxaha burcada ah.

Sanadahan dambe ayay howl;aha afduubka Maraakiibka ayaa waxaa ay noqotey arrin soo noqnoqotey waxaa jira lacago badan oo ay helaan dadka wax afduubta waxaana ay tasai sii dhiiri galisey in la afduubo maraakiib kale oo ay sii xoogeysatey afduubka loo gaysto maraakiibta maraya badaha Soomaaliya.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved