Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Thursday August 07, 2008

Maxkamd Milatari oo xukun ku riddey darawalkii Osama Bin-laden.

Nin u dhashey wadanka Yemen laguna magacaabo Salim Ahmed Hamdan horena gaari ugu wadi jirey sida la sheegey ninka ay mMareykanku sida aadka ah u doonayaan ee Osama Binu laden ayaa waxaa uu maalmahanba kasoo xaadirayey Maxkamad ay leeyihiin Milatariga Mareykanku oo ku taalla xerada ciidamada Badda ee lagu magacaabo Guantanamo Bay.

Xeer ilaaliyayaashii dacwada ku soo oogayyey ninkaasi ayaa iyagu waxaa ay doonayeen inuu muteysto xabsi gaaraya ugu yaraan 30 sano hase yeeshee dacwaddii ay soo gudbiyeen inteedii badnayd waa lagu waayey Xamdaan waxaana loo haystey markii hore inuu ku lug lahaa falal argagixiso hase yeeshee waxaa lagu heley oo kaliya inuu gacan siinayey ururka argagixisada ee al-qaacida waxaana lagu xukumey xabsi gaaraya ilaa 5 sano iyo 6 bilood.

Ninkaasi ayaa la sheegey inuu xabisga ku jirey 5 sano iyo 1 bil ah waxaana loo tiriyey wakhtigasai isagoo xabsiga ku sii jiri doona 5 bilood oo kale ka dibna wxaa la sheegey in lasii dayn doono.

Dacwaddan ayaa ahayd tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee Mareykanku ay fuliyaan tan iyo intii ka dambeysay dagaal weynihii labaad ee adduunka waxaana ay dad badani filayeen ninkaasi inuu gali doono xabsi dheer ama dil lagu xukumi doono waxaana sid muuqata ay dacwaddani ahayd mid si taxadar leh loo qaadey.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved