Friday August 08, 2008
Madaxda Dowladda Federaalka ah oo shir
uga socdo Madaxtooyada Muqdisho.
Madaxweynaha DFKMG ah iyo Raisal wasaaraha KMG ah Cabdullahi Yusuf Axmed
iyo Nuur Xasan Xuseen ayaa waxaa ay shir ku leeyihiin magaalada Muqdisho
gaar ahaanna xarunta Villa Somalia.
Shirkaasi ayaa sida la sheegey waxaa uu ku saabsan yahay sidii loo dabcin
lahaa ama meesha looga saari lahaa Khilaaf maalmahan u dhexeeyey labada
Masuul, khilaafkaasi ayaa waxaa uu soo shaac baxey ka dib markii R/wasaare
Nuur cadde uu shaqada ka joojiyey Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed
dheere, ka dibna uu madaxweynuhu shaqada dib ugu celiyey Maxamed Dheere.
Khilaafkan ayaa waxaa uu dhibaato ku yahay hanaanka hawl fulineed ee
dowladda KMG ah oo iyadu soo martey khilaafyo soo jiitamayey oo marba qaar
la xallinayey iyadoo khilaafaadkaasi ay sababeen in xubnaha dowladda
qaarakood ay noqdaan mucaarad.
Haddii heshiis laga agaaro khilaafka hadda soo dhex galey dowladda waxaa
uu keeni karaa inay sii socdaan howlaihii dib u heshiisiinta ee ka furmay
Jabuuti bsihii June 2008da, waxaase aad looga cabsi qabaa inuu sii jiitamo
khilaafkani taasina dhibaato ayey ku tahay dadka Soomaaliyeed ee doonayey in
mar uun xal laga gaaro dagaalada kasocda dalka Soomaaliya.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |