Sunday August 17, 2008
Soomaaliya
oo soo dhaweysay hadalkii kasoo yeeray Canada ee badaha Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaalia Md.Muxudiin Xaaji Maxamed ayaa
sheegay inay aad usoo dhaweynayaan hadalkii kasoo baxay waddanka Canada ee
ay ku sheegeen inay ilaalo usoo dirayaan xeebaha Soomaliya si ay u
ilaaliyaan Maraakiibta halkaasi isaga goosha.
Wasiirka oo xafiiskiisa kula hadlayey dadka wararka faafiya ayaa sheegey
in badaha Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu khatarsan badaha caalamka waxaana uu
sheegey inay had iyo jeer halkasi ka dhacaan afduub loo geysto maraakiibta
adduunka ee isticmaasha meelaha ku dhow xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tibaaxay in dalka
Soomaaliya aanu awood u lahayn inay ka hortagaan burcadda ka ugaarsata
xeebaha Soomaaliya isla markaasna afduubta maraakiibta ganacsiga iyo waliba
kuwa sida mucaawinada loogu tala galey dadka dhibaateysan ee ku nool
Soomaaliya.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |