| |
Sunday August 17, 2008
Rochester: Tallaabo ku dayasho mudan.
Jaaliyadda Soomaliyed ee ku dhaqan magaalada Rochester ee gobalka
Minnesota ayaa taariikhdu markay aheyd August 16th, 2008. waxay kulan
ballaaran ku yeelatay Iskuul ( School) loogu magac direy madaxweynihii ugu
horreeyay Somaliya H.E. Aaden Cabdulle Cisman ( Aden Adde).
Kulankaas waxaa lagu furey Aayado Qur'aan ah oo uu aqriyay Khaliif Axmed
Cali Culusow ( Dhegadheere) intaas ka dib, waxaa makarafoonkii ama ( cod
baahiyihii) lagu soo dhoweeyey Sheekh lagu magacaabo Sheekh Mohamoud Jaysaan,
wuxuuna Sheekh Jaysaan ku yiri ka soo qeyb galayaashii kulankaas"
walaalayaal rag iyo dumarba 18 sano ku dhowaad ayaa dhegeheyna waxaa ku soo
dhacaayay dhibaatadda baahsan iyo dhiigga maalin kasta qul qulaaya ee laga
daadinaayo dadkeynii, mana filaayo inay jirto qofnaga mid ah oo aan ka
xumeyn nasiib darraddaas, haddaba sida aad lawada socotaan waxaa lagu jiraa
Bishii Shac-baan ee walaalayaan maadaama aan nahay Muslimiin, wax maad ka
qabtaan haddii aan Ilaahay u noqono oo aan intayna maanta meeshaan ku
kulansan aan qof qof isu cafino. Ilaahayna ka codsano inuu nagu daro
kumanyaalka la xoreeyey, shacbaankaan, Shacbaankiisa Rabbi nagu gaarsiiyo
samo iyo siyaado, dhibaatadda 18 sano jir-sateyna Shacabka Soomaliyeed ka
dulqaado?"
Hal mar ayay ka soo qeyb galayaashii kulankaas, gees ka gees iyagoo qashuuc-san
isla dheheen, maya, maya, waxba kama qabno ee Sheekhow sidaas aan ku wada
duceysano maanta,
Waxaa xusid mudan inay kulankaas wada joogeen dad kala taageersanay
Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed iyo Ra'iisul Wasaare Nur Hassan Husseiun (
Nur Cadde) oo qilaafka xoogan u dhexeeyo, sidoo kale waxaa kulankaas kuwada
duceystay taageerayaasha Isbaheysiga dib uxoreynta Soomaliyeed ee labada (2)
garab Jabuuti iyo Asmara.
Kulankaan oo aan horey qurba joogta Soomaliyeed looga baran ayaa waxaa soo
qaban qaabiyay Macallim Axmed Maxamed Xassan ( Macallim Axmed Buraale) iyo
Xertiisa oo u badan Haween Soomaliyeed oo aan iskula xirneyn Qabiil iyo
Gobaleysi , balse iskula xiran Diin jaceyl iyo nabad jaceyl.
Soo dhoweynta iyo fadhiisinta waxaa hogaaminaayay Sheekh Maxamuud Jaysaan
iyo Sheekh Cali Huseen ( Jaras) oo labaduba ka jirsan macalimiinta Iskuulka
( School) H.E. Aden Abdulle Osman ( Aden Adde) ee magaalada Rochester, MN.
Gabagebaddii kulankaas waxaa Wacdi dheer iyo Duco ku soo gunaanaday
guddoomiyihii Guddiga qaban qaabadda kulankaas Macallim Axmed Maxamed Xassan
(Macallim Axmed Buraale), waa talaabo ku dayasho mudan.
N.B.
Kulankaas waxaa goob joog ka ahaay Professor Nur Ali Ga'al oo dhowaan soo
gaaray cariga Mareykanka, gaar ahaan magaaladda Rochester ee gobalka
Minnesota oo si diiran loogu soo dhoweeyey.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|