Saturday August 23, 2008
Wariyeyaal ajaanib ah oo lagu afduumey
inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Sida laga helayo warar ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay
tibaaxaayaan in laba wariye oo shisheeye ah lagu afduubtey wadada u dhaxaysa
Muqdisho iyo Afgooye.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dadkaasi ajanabiga ahi ay doonayeen inay
wararka ka tiraan arrimaha ku saabsan nolosha dadka ku nool iyo Muqdisho iyo
dadka ku barakacey dagaalada ka dhacayey degaanadaasi.
Wariyeyaashani waxaa ay u dhasheen dalalka Canada iyo Australia waxaana
ay la socdeen baabuur ay doonayeen inay ku gaaraan ceelasha biyaha,
waxaana sida la sheegay la socdey maleeshiyo waardiye u ahayd iyadoo ay
wararku sheegayaan in laga awood roonaadey waardiyehoodii waxaana sida
muuqata laga kaxaystay halkasai iyadoo waliba lala afduubey ninkii
turjubaanka u ahaa.
Loogama baranin afduubka wariyeyaasha koonfurta Soomaaliya waxaana dhici
jirtay in mararka qaarkood la dilo hase yeeshee in la kaxeysto waa wax aan
aad u dhici jirin lamana garanayo halka loo kaxeystey ilaa iyo haatan.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |