| |
Thursday July 31, 2008
Aabihii dowladda Cabdullahi Yusuf oo
daaqadda laga tuurey iyo degaanada Muddulood oo dadka laga dhexeysiin rabo.
Dawladi malaha saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan toogto ah, sidaas
waxaa mar qura wada yiri dhammaan dadka Soomaliyeed ee la socday Siyaasadda
Soomaaliya afartii (4) sano ee la soo dhaafay, ka gadaal markii qalabka
warbaahinta lagu shaaciyay in xilkii laga xayuubiyay Guddoomiyihii gobalka
Banadir ahayna Duqa Magaalada Muqdishu Mohamed Omar Habeeb (M. Dheere)
Mohamed Cumar Habeeb ( M. Dheere) waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay
Aabaha Dawladdaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed, sababta uu Aabe ugu
yahay waa fara badan tahay, balse haddii aan mid iyo labo ka soo qaadano
waxaa ka mid ah:
1. dhammaadkii 2004kii, Markii loo baahday shaqsi ka soo jeeda beelweynta
Mudulood oo buuxin kara xil Ray'iisul waasaranimo (requirement of the vacant
position) kana mid ah 275 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliyeed ku meel
gaarka ah, waa-tii uu Maxamed Dheere xildhibaanimadii uu ku wareejiyay Prof.
Ali Mohamed Ghedi, R/W hore oo runtii Shacabka Soomaliyeed ka kasbaday
sumcad fiican, ka dagaal markuu muujiyay firfricooni, wax qabad gudaha iyo
dibadaba, iyo furfur-naasho uu ummadda Soomaliyeed u sinneey.
2. Dagaal Oogayaashii Muqdishu xilligaas ka talinaayay oo u diiday Dawladda
Abdullahi Yuusuf inay soo degto Muqdishu, ayuu M. Dheere oo ka talinaayay
gobalka Sh/Dh ee jowhar Dawladdii soo dejiray Jowhar, markaasay reer Jowhar
ku soo dhoweeyeen Dwaladdii uu Abdullahi Yuusuf hoggaaminaayay shibirkii
caanka ahaa:" dhalasho aan leysku dhowrin waa dhiggee dhulkaan Abgaal ku soo
dhowow", sidaas ayuu M. Dheere ku yahay Aabaha Dawladdaan Yuusuf ee haddii
uu xitaa Mohamed Dheere leeyahay dul-dulleelo yar yar iyo carrab dalab leh
maxaa loogu dul-qaadan waayay duqu waa soo dadaalee?
Dhinaca kale, taas waxaa ka sii daran, guux hoosaad sheegaaya in loo danlee
yahay deegaanadda Mudulood oo loo magacaabi rabo xilka ugu sarreeya ee
gobalka Banadir shaqsi aan u dhalan deegaanka Muqdishu kana aan soo jeedin
beelweynta Mudulood, iyadoo shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood uusan
dhammaan deegaanada kale, ee Soomaliyeed ka qaban karin xil deegaan ee sow
arrintu ma'aha hadalkii uu hadda ka hore ka digay Caaqil Xaaji Mohamoud Ali
Jimale ( Koogaar), guddoomiyaha Guddigga Mudulood Waqooyiga Ameerika ( North
America) oo ahaay " deegan-keyga lihi, deegaan-kaagana kula lihi", haddii uu
dhab yahay in la fulin rabo fikirkaan bah dilayska ah, shaqsigii ka soo
jeeda beelweynta Mudulood oo aan ka dhiidhin dhalad ma'aha.
Ugu danbeyntii, beelweynta Mudulood waxaay u caddeynaysaa R/W Nur Hassan
Hussein ( Nur Cadde) inay beelweynta Mudulood taageersan tahay Dawladda
FKMGS 97%, laakin looga baahan yahay Ray'iisul Wasaaraha in uuka digtoonaado
qolada (group-ka) raba xaasaska Soomaliyeed ee uu ku qancin maagaayo
Gabdhaha Soomaaliyeed.
MOhamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|