Sunday July 13, 2008
Buurxakaba oo gacanta u gashey kooxaha
dowladda ka horjeeda.
Warar aad loo xaqiijiyey ayaa tibaaxaya in magaalda Buurxakaba ay gacan
ku haynteeda la wareegeen kooxaha ka horjeeda joogitaanka itoobiya iyo
Dowladda KMG ah labadaba, magaaladan ayaa la sheegayaa in aan wax dagaal ahi
ka dhicin waxaana ay kooxahani soo galeen xilli habeen ah oo ay dadka
intiisa badani hurdaan.
Kooxahaan ayaa markeey soo galeen Magaalada la sheegayaa inay xabsiga ka sii
daayeen Maxaabiis ay ku jireen kuwo loo hestay dambiyo dil ah, waxeyna sidoo
kale ku amreen dadweynah deegaankaasi ineysan wax dhibaato ah u gaysanin
amaanka magaalada isla markaana ay ilaaliyaan degenaanshaha magaalada.
Gaadiidkii u kala gooshi jirey Muqdisho iyo Baysdhabo ayaa la sheegayaa
inuu ku yimid hakad waxaana sidoo kale xirmey meheradihii ganacsiga ee
magaalada kuwaasi oo markii dambe dib u furmey.
waa markii ugu horeysay ee magaalda Buurxakaba ay gacanta u gasho kooxaha ku
kacsan Dowladda KMG ah, dhinac kalena ilaa iyo hada wax hadal ah oo ku adan
qabsashada Magaalada Buur-Hakaba kamasoo bixin dhinac Dowlada Somalia.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |