Saturday July 19, 2008
Baaritaan lagu sameeyey Guriga Dr.
Abdiqaasim kaasi oo noqonaya kii saddexaad.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay
gudaha u galeen guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad
Xasan, Ciidankaasi ayaa lasheegayaa inay si xooggan u baareen dhamaan
gurigaasi iyagoo aan sheegin waxaa ku tuhunsan yihiin guriga.
Baaritaanka la baarey guriga Cabdiqaasin ayaa noqonaya kii saddexaas ee
laga fuliyo gurigaasi waxaana ay sheegayaan wararka laga helayo dadka
degaanka in gurigaasi aan waxba laga qaadanin ama aan laga helin wax shaki
galiyey askastii baaritaanka sameysay.
Ilaa iyo haatan wax qaar ahi kama aanu soo bixin dhinaca Madaxweynihii hore
ee Dowladdii lagu soo dhisey Carta waxaana sidoo kale aan jirin war kasoo
baxay dhinaca maamulka Banaadir iiyo dowladda Federaalka ah waxaana la
filayaa in midkood uu war soo saaro saacadaha soo socda.
Baaritaankii ugu horeeyay ee ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen guriga C/qaasim
Salaad waxaa raali gelin ka bixiyay Madaxweynaha Dowladda KMG Md.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed
Geeddi oo hoygiisa ay ku booqdeen C/qaasim.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |