Monday July 28, 2008
Gabar u dhalatey K/Afrika ayaa noqotey
madaxa Xuquuqda Aadamiga ee UN.
Haweeney u dhalatey dalka Koonfur Afrika laguna magacaabo Navanetham
Pillay ayaa loo magacaabey inay noqoto gudoomiyaha gudiga sare ee xuquuqda
Aadamiga u qaabilsan Qaramada Midoobey.
Ms Pillay waxaa ay badali doontaa Louise Arbour oo u dhalatey dalka
Canada oo iyadu xilkaasi haysey muddo shan sano ah jagadaaasi, waxaana
xilka ay kala wareegi doonta marka la isku raaco magacaabisteeda maalinta
Isniinta ah.
Navanetham Pillay waa gabar asalkeedu yahay India gaar ahaan dadka
Tamiilka ah waxaase ay ku dhalatey magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika
waxaana ay wax ku baratey isla K/ Afrika, waxaa kasoo shaqeysay maxkamadaha
K/ Afrika iyadoo muddo badan ku soo dhex jirtey dadaaladii la doonayey in
dalka K/Afrika loo helo sinaan iyo wada noolaan.
Pillay waxaa ay markii ay aheyd Qareenka ku guuleysatey inay awood u
yeelato in ay dacwad loo haystey dad ku jirey xabsiga Jasiiradda Robin
Island oo uu ka mid ahaa Nelson Mandela ay helaan dad u dooda oo ka caawiya
dhinaca sharciga.
Dalka Mareykanka ayaa la sheegey inuusan raali ka ahayn magacaabisteeda
jagadan loo magacaabey hase yeeshee markii dambe way iska fasaxeen waxaana
la sheegey inay si caadi ah u wadan doonto xilkeeda marka ay hesho
kalsoonida 192 dal ee ku jira Qaramada Midoobey maalinta Isniinta ah.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |