Thursday July 17, 2008
Kooxo
hubeysan oo isku rasaaseeyey meel ka mid ah gobolka Hiiraan.
Kooxo dabley ah ayaa la sheegey inay weerar ku qaadeen maleeshiyo jid
gooyo dhigatey meel ku dhow jiirta Qabno, kooxdaasi weerarka qaafey ayaa la
sheegey inay halkaasi ku dileen nin ka mid ah dadkii kortaroolka dhigtey
waxaana la sheegayaa in hal ruux oo kale uu soo gaarey dhaawac.
Waraarka laga helayo dadka degaanka ayaa tibaaxaya in kooxdii weerarka
soo qaadey ay halkaas ka kaxeysteen laba ka mid ah maleeshiyadii isbaaradu u
tiiley jiirta qqabno waxaana la sheegey in ay u kaxeysteen dadkaasi dhinaca
degaanka Matabaan oo iayadu halkaas u hdow.
Ilaa iyo haatan lama garanayo sababta ay isku dileen maleeshiyaadkaas oo
iyagu aan cidna ka amar qaadan amaba aan ka tirsanayn kooxaha isku haya
dagaalalda ka jira Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koonfurta.
Ma jirtro cid sheegatey dhacdadaas waxaana ilaa iyo haatan laga war
sugayaa bal in wax war uu ka soo baxo maamulada ka jira degmooyinka ku dhow
halka dagaalku ka dhacey.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |