Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday July 26, 2008

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf oo gaarey Garoowe.

Photo by Dhahar.com
 

Madaxweynaha FKMG ah Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa waxaa uu booqasho kui joogaa magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu maalmo joogi doono Puntland waxaana uu shirar kala duwan la yeelan doono maamulka Puntland iyo odayasaha dhaqanka ee goboladaas.

Wax yaabaha ugu waaweyn ee madaxweynuhu uu kala hadli doono madaxdaas kala duwan ayaa waxaa ugu horreeya arrimaha amaanka ee gobolada hoos yimaada Puntland, sidoo kale  Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan xaflad loo sameyn doono 10 guuradaii ka soo wareegatey markii dhidibada loo dhigay maamul goboleedka Puntland.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid aan hore loo sii sheegin waxaana la filayaa inuuu madaxweynuhu uu kusoo laaban doono magaalda Muqdisho horaanta todobaadka dambe.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved