Tuesday July 29, 2008
Guddomiyihii
gobolka banaadir ahna duqii Muqdisho Maxamed Dheere oo xilkii laga qaadey.
Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar
Xabeeb Maxamed Dheere ayaa maanta laga qaaday xilkii Guddoomiyaha iyo kan
duqa magaalada Muqdisho.
War laga soo saarey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan
Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu caddeeyey in xilkii maamulka gobolka Banaadir
iyo kii Duqa magaalada muqdisho laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb M/Dheere.
Wareegtada xilka looga qaadey Maxamed Dheere ayaa sidoo kale waxaa lagu
sheegey in xilkaasi si ku meel ahaan ah uu usii hayn doono Maxamed Cusmaan
Cali Dhagaxtuur oo horay u ahaa ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho ee
arimaha Bulshada.
Cabdi Xaaji Goobdood oo isagu ah afhayeenka Dowladda KMG ayaa
isaguna shaaca ka qaadey inay jirto xilka qaadista lagu sameeyey guddoomiye
Maxamed Dheere waxaana uu xusey in arrintaasi la hor keeney golaha wasiirada
ee dowladda KMG ah waxaa ay isla garteen soo jeedintii mudane Nuur Cadde.
Maxamed dheere ayaa waxaa uu in muddo ah lasoo shaqeeyey DKMG ah waxaana uu
soo galey dagaallo badan oo lagu difaacayey Dowladda isagoo ka mid ahaa
hogaamiyayaashii dagaalka ee lasoo dagaalamay maxaakiimtii la ridey. Maxamed
Cumar Xabeeb waxaa kale oo lagu xusuustaa inuu degaan u sameeyey dowladdu
markii ay kasoo guurtey magaalada Nayroobi ka dib markii shaki la galiyey
inay dowladdu degto magaalda Muqdisho. si kataba ha ahaatee waxay ahayd
arrin aan aad loo fileynin in Maxamed Dheere laga qaado Muqdisho
muddooyinkan marka la eego wax yaabo badan.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |