| |
Thursday July 03, 2008
Senetor Norm Coleman oo la kulmey qaar
ka mid ah wax garadka Soomaaliyeed ee Rochester MN.
Senetor Norman Coleman, kana mid ah mas'uuliyiinta ugu fir-fircoon
xisbiga Jamhuuriga ( Republican ) ee Mareykanka iyo Aqalka Senetooradda
Mareykanka, lagana soo doorto gobalka Minnesota, ayaa bishaan July 2nd 2008.
Wuxuu kulan ku la yeeshay La Quinta Inn, xubno ka tirsan wax garadka
Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Rochester ee gobalka Minnesota
oo aay ku nool yihiin Soomali fara badan ( Public Town Hall Meeting)

Senetor-ku, wuxuu u sheegay wax garadkii uu la kulmay, in uusan magaaladaan
Rochester u imaan olole doorasho, balse uu u yimid inaay isbartaan asaga iyo
Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool Rochester Minnesota, kana aay wada hadlaan
guud ahaan dhibaatadda ka taagan adduun weynaha , gaar ahaan arrinta
Soomaaliya oo aad u murugsan, mareysane meel laga argagoxo.

Dhammaan ka soo qeyb galayaashii kulankaas waxay aad ugu riyaaqeen erayaddii
Mudane Norman Coleman waana u sacab tumeen gees ka gees, waxayna u ballan
qaadeen Senetor-ka, ayagoo ku hadlaayay magaca jaaliyadda Soomaliyeed ee ku
dhaqan magaaladda Rochester ee Minnesota inaay u codeyn doonaan Senetor
Norman Coleman doorashada soo socota oo la qaban doono November 27th, 2008.
Inkastoo uusan Senetor-ku , soo hadal qaadin wax olole doorasho ah intii uu
halkaas joogay.

Kulankaas waxaa si mutadawacnimo ah ( volunteer) u soo qaban qaabiyey
aqoonyahano Soomaliyeed ee ku nool magaalada Rochester oo aay ka dhex
muuqanaayeen Eng. Omar Sheikh Ali ( Xaafuun), Cabdi Muuse Maaxeey iyo Eng.
Cabdulqadir Omar Ahmed (Shig Shigo) iyo qaar kale.








Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester MN.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|