Saturday July 19, 2008
Shirkadda
Telesom Borama oo ka farxisay macaamiisheeda.
Shirkada Isgaarsiinta Telesom Company xarunta Borama ayaa maanta ka farxisay
dhamaan macaamiisheeda ku dhaqan magaalada Borama iyo guud ahaan dalka
Somaliland.
Maamulka shirkada Telesom Borama Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa Saxaafada
Somaliland iyo kuwo dalka Somalia u sheegay inay arrintaan au u sameeyeen
soo dhaweynta Technology-da casiga ah ee shirkada lagu soo kordhiyay.

C/raxmaan Max'ud Jaamac "Awgaab" oo kamid ah shaqaalaha shirkada Telesom
Borama ayaa Saxaafada isna u sheegay inay shirkada xusul duub ugu jira sidii
loo qancin lahaa dhamaan dadweynaha Borama ku dhaqan oo aad u daneynaya inay
isticmaalaan adeega isgaarsta casriga ah ee Telesom “The Reliable Choice".
Faarax Maxamed Cabdi oo kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Borama oo
aan kula kulmay Suuqa isagoo fiirinaya mobilkiisa kulana hadlaya buuro ku
yaala galbeedka magaalada oo uu beer ku leeyahay, ayuu sheegay inuu u bagoy
adeega shirkada Telesom inay meel walba u gaarsiiyay si howl-yari ah,
waxuuna sheegay isagoo magaalada jooga inuu reerkiisa ku daryeelayo adeega
Telesom.
“Waxaan kamid ah sheekooyinka aan ku xasuusto Telesom anigoo arkay haweeneey
dameer baadiyaha ku wadata oo ku hadleysa Telefoonka Telesom taasoo
muujineysa inay Telesom u siman tahay magaalada iyo baadiyaha isla markaana
dadweynaha meel kasta oo dhulka Somaliland ka tirsan ku isticmaali karayaan”
ayuu yiri Faarax Maxamed.
.jpg)
Si kastaba arintu ha ahaatee, shirkada isgaarsiinta caalamiga ah ee Telesom
qeybta Borama oo har iyo habeen u taagan qancinta macaamiisheeda ayaa la
filayaa in dhawaan adeegyo casri ah oo aan adduunka intiisa badan soo gaarin
keento gudaha Borama.
Abdifitahaam Ahmed
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |