Dalalka ku
jira Jaamacadda Carabtu ma aqoonsan yihiin maxkamadda caalamiga ah ee The
Hague.
Tan iyo intii ay soo baxdey hadalkii kasoo yeeray mid ka mid ah xeer
ilaaliyaasha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka oo lagu magacaabo
Moreno-Ocampo ee ahaa in uu diyaarinayo waraaqdii lagu soo xiri lahaa
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxaa dhashey in waddamada
Carabtu ay falanqeeyaan suurta galnimada in la xiri karo Madaxweyne Al-Baashiir
waxaana ay arrintaasi noqotey mid ay liqi waayaan Madaxda Carbeed.
Hadaba sabtidii ayey dalalka Carbeed waxaa ay isugu yimaadeen shir deg
deg ah oo heer wasiir ah ayna kaga arrin sanayeen xaalkaas, dood dheer ka
dib waxaa ay isla garteen inay arrintaasi tahay mid aan loo baahneyn isla
markaana aan wax xal ah u keeni karin dhibaataada ka taagan Darfur.
Sidoo kale waxaa shirkaasi lagu sheegey in dalka Suudaan oo kali ahi uu
Maxkamadeyn karo Al-Bashiir, waxaa markaasi shirka laga cadeeyey in dalka
Suudaan uu yahay qaran Madax banaan oo aan dibadda lagu xiri karin dadkiisa
arrimaha ku saabsan dacwo qaadistana ay u madax banaan tahya dowladda
Suudaan.
Maalmihii ina dhaafey waxaa ka socdey dalka Suudaan intiisa badan dibad
baxyo lagu diidan yahay dacwadda lal doonayo Madaxweynaha Suudaan Cumar
Xasan Al-bashiir.
marka dib loo eego dalalka Carabtu sida ay u arkaan Maxkamadda Caalamiga
ah dambiyada dagaalka ayaa waxaa soo baxaysa in intooda badani aaney
sixiixin heshiiskii lagu abuurey maxkamaddaas isla markaana aaney
taageersanayn haba yaraatee xeerarka ay ku shaqeyso Maxakamaddaasi.
Saddex waddan oo ka mid ah 22 ka dal ee ku jira Jaamacadda Carabta ayaa
sixiixay xeerarka Maxkamadaas waxaana ka mid ah dalalka ogolaadey Maxkamadda
Caalamiga ee Dambiyada dagaalka waddanka Jordan, Djibouti, iyo Comoros,
marka arrimahaasi oo dhan dib loo eego way adag tahay in go'aanka
Maxkamdaasi uu shaqeeyo waxaana la sugayaan waxa ku xiga ee kasoo baxa
Maxkamadda The Hague oo iyadu 3 bilood ka dib la filayo inay soo saarto
go'aanka xiritaanka Al-Bashiir.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |