Saturday July 26, 2008
Fanaankii Xasan Diiriye Faarax oo ku
geeriyoodey dalka Kuwait.
Allaha u naxariistee Xasan Diiriye oo ka mid ahaa Fanaaniinta aadka looga
yaqaanno dhulka Soomaalida ayaa waxaa uu ku geeriyoodey magaalada Kuwait ee
dadka Kuwait.
Xasan Diiriye waxaa uu muddooyinkan dambe la liitey xanuun ku dhacey oo
lagu sheegey inuu ahaa cudurka dhiig karka, waxaana dalka Kuwait uu u joogey
daaweyn iyadoo ay halkaasi geeyeen caruurtiisu.
Allaha u naxariistee Xasan Diiriye waxaa uu ka mid ahaa fanaaniintii fara
ku tiriska ahaa ee sida la yaabka leh usoo shaac baxay todobaatanaadkii
iyadoo uu waliba ahaa nin codkiisa aan laga xiiso dhicin.
Fanaan Xasan Diiriye waxaa uu ka mid ahaa fanaaniinta aan dalka ka bixin
intii uu jirey bur burka waxaana intiisa badan ku noolaa magaalada Muqdisho
oo uu noloshiisa inteeda badan ku qaatey.
Bahda warbaahinta Soomaalida ayaa si aad ah uga tiiraanyeysan geeridiisa
waxaana aanu gaarsiinaynaa qoyskiisa iyo umadda Soomaalida ah Tacsi
tiiraanyo leh, isaga waxaan Allaha raxmaanka ah uga baryeynaa inuu jannadii
ka waraabiyo. AAMMIIIIN.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |