Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday June 07, 2008

Aqalka Senate-ka ee Mareykanka oo saarey qaraar ku saabsan xaalka Somaliya.

Mashruuca qaraarkan ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqaya in, iyadoo kaashaneysa Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay, ay soo gudbiso jadwal dhameystiran  oo ay ciidamadeeda si masuuliyadi ku dheehan tahay uga saareyso dalka Soomaaliya.

Iyo waliba inay Itoobiya hubiso badbaadada dadka rayidka ah ku nool dhulka ay ka taliso, isla markaana ay kala soocdo shacabka iyo kooxaha hubeysan, sida ku qoran xeerarka Geneve.

Wuxuu kaloo qaraarku ugu baaqayaa dowladd Eritrea inay kaalin wax ku ool ah oo kaabeysa sidiii xasillooni loogu heli lahaa Soomaaliya ay ciyaarto, isla markaana ay joojiso taageerada dhaqaalaha iyo saadka isugu jirta ee ay siiso kooxaha kacdoonka ka wada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Qaraarkan, oo codad tiro badan lagu ansixiyey, ayaa wuxuu kaloo xoogga saaray dhanka xuquuqda aadanaha. Waxaa lagu sheegay inay dowladda Mareykanka ka go'an tahay in cadaaladda la horkeeno gabood-falayaasha xuquuqda aadanaha, ha ahaadeen kuwa dowlad ka tiran ama kuwa aan ka tirsaneyn.

Si taas loo helo, qaraarka ayaa faraya in la askumo guddi xaqiiqo raadis ah oo ka socda Qaramada Midooba, oo soo baara gabood-fallada baahsan ee halkaas dhacay.

Hirgalinta qaraarkan, oo tirsigiisu yahay 541, waxaa iska kaashaday senatorrada kala ah Norm Coleman iyo Amy Klobuchar, oo laga soo doorto gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota.

Waxaa isna gacan ka gaystay Sen. Sherrod Brown, oo isna laga soo doorto gobolka Ohio, halkaas oo Soomaalid badani ay deggan yihiin, iyo waliba Sen. Russ Fiengold, guddoomiyaha guddi hoosaadka Africa ee Senate-ka Mareykanka, iyo Sen. Chuck Hagel, oo gobolka Nebraska laga soo doorto.

Mr. Feingold ayaa isagu in badan aad ula socday arrimaha Soomaaliya.

Senatarrada iska kaashaday qaraarkan ayaa isugu jira kuwa ka tirsan xisbiyada Jamhuuriga iyo kan Dimoqraadiga--taas oo astaan u noqon karta in ansixinta qaraarkan ay suurta gal tahay.

Laakiin inta aan la ansixin, waa inuu ka gudbaa aqalka hoose ee Congress-ka ee House-ka loo yaqaanno, madaxweynahana uu qalinka ku duugo.

Ilo ka shaqeeya Congress-ka ayaa ii sheegay in, inkastoo aan la hubin inuu madaxweynuhu saxiixi doono kama dambeysta, haddana uu qaraarku si dhib yar uga gudbi karo aqalka hoose ee Congress-ka.

Aqalkaas ayaa la filayaa inay dhowrka toddobaad ee soo socda u codeeyaan mashruuca qaraarkan.


BBC Somali.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved