Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday June 28, 2008

Ciidamo booliis ah oo lagu diley xaafad ka mid ah magaalada  Muqdisho.

Weerar gaadmo ah oo lagu qaadey saldhig Ciidamada Booliisku ku lahaayeen degmada Dayniile ayaa laq sheegey inay ku dhinteen 9 askari oo kamid ah booliskii saldhigaasi. Weerarkaasi ayaa la sheegayaa inay soo qaadeen koox ka mid ah kooxaha ka horjeeda DKMG ah iyo ciidamada Itoobiya.

Taliyaha ciidamada Booliska ee qeybta Waliyow Cadde Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa xaqiijiyey in shilkaasi dhacey isla markaasina waxaa uu sheegey in jiraan dhaawac kale oo soo gaarey dadki halkaasi ku sugnaa.


Col. Baariise ayaa intaa raaciyay in ciidamadu xiligii weerarka lagu soo qaadayey aysan fileynin weerar, isla markaana aysan qabin wax dhiilo colaadeed ah, isagoo weerarkaasi ku eedeeyay iney ka danbeeyeen Ururka Al-Shabaab oo markii ay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga oo mudo hal saac ay heysteen gebi ahaanba fasaxay maxaabiistii ku jirtay xabsiga.

Waa markii ugu horeysay ee saldhigaasi weerar gaadmo ah lagu qaado waxaana jirta in ciidankii halkaasi joogey aaney dilaynin wax colaad ah oo halkaasi laga dareemayey waxaana uu weerarkaasi ahaa mid si kadis ah loogu qaadey ciidamadii Booliiska ahaa ee halkaasi ka shaqeynayey.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved