Friday June 06, 2008
Qaar ka mid ah dadkii ka qaxay
magaalada Muqadisho dib ugu laabtey guryahoodii.
Qaar ka mid ah dadkii kaqaxay xaafado ku yaalla koonfurta magaalada
Muqdisho gaar ahaan agagaarka wadada Sodonka ayaa bilaabay in ay dib ugu soo
laabtaan guryahoodii in kastoo la sheegayo in tira ahaan aaney sidaasi u
badnayn.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dadka soo laabanaya ay u badan yihiin dadkii
ku noolaa meelaha ay ka midka yihiin degaanada Black Sea, Baar ubax,
iyo Laba Dhagax, waxaana dadkaasi ay warbaahinta u sheegeen in ay
sabab u tahay soo noqoshadooda ka dib maarkii ay dhibaato kala kulmeen
goobihii ay markii hore u qaxeen oo ay soo waajahdey nolol aad u adag.
Dadkaasi ayaa sheegey inay wehel ka dhiganayaan ciidamo madani ah oo
dhawaan loo sameeyey Suuqa Bakaaraha oo xaafadahaasi gaaf wareega si ay
sugaan nabadda dadka iyo hantida Suuqa Bakaaraha waxaana ay dadku sheegayaan
inay meelahaasi ka jiraan xogaa deganaansho oo ay dhaanto sidii ay ahayd
markii ay ka qaxeen.
Wajiyada Dadka soo laabanaya ayaa waxaa ka muuqatey farxad aad u weyn
waxaana ay aad ugu niyad samaayeen inay guryahooda ku heli doonaan nolol
dhaanta tii ay kala kulmeen meelihii ay u carareen oo sida ay sheegeen ay
kala kulmeen dhibaato xoog leh iyo waliba cabsi joogto ah.
Daka la sheegay inay soo laabteen ayaa waxaa ay haddana shaki ka qabaan in
mar kale ay la kulmaan dagaalo maxaa yeeley Muqdisho waxaa iska sahlan sida
dagaal uga qarxo.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |