Sunday June 29, 2008
Dagaalkii
Guriceel oo laga soo sheegayo Khasaare badan.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii galabta ka dhacay
magaalada guri Ceel ee Gobolka Gal gaduud iyadoo dagaalka laysku adeegsaday
hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalka galabta ka dhacay magaalada ayaa waxaa ku dhintay ilaa sedax qof oo
rayid ah dhaawacna uu soo gaaray 10 kale oo rayid ah,waxaana la ogeyn
qasaaraha soo gaaray dhinacyada dagaalamay.
Ciidamada Ethiopia ayaa maalintii labaad waxa ay duqeeyeen magaalada Guri
Ceel ee Gobolka Gal gaduud iyadoo qeybo ka mid ah Magaalada uu ka muuqdo
raadadkii dagaalka.
Wararka laga helayo magaalada Guri Ceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay
sheegayaan in dadkii deganaa Magaalada ay isaga guureen kuwaasi oo cabsi ka
qaba in wax yeelo ay ka soo gaarto dagaalka ka jira maagaalada Guri Ceel ee
Gobolka Gal gaduud.
Source: Shabelle.Net
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |