Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday June 08, 2008

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Xildoon ma'aha ee wuxuu ka xanuunsadey xawliga xumaanta.‏

Waxaa dhowaan Magaalada madaxda Jabuuti gaarey, ganacsidaha caanka ah Al Xaaji Abuuker Cumar Caddaan Caamir, xubin ka mid ah qoyska reer Xaji Cumar Caddaan oo codsadey inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegey in Xaajigu Jabuuti u tegey wixii kareenkiisa ah, ee uu u arko wanaag in uu si toosa iyo si dadbanba ugu dhiiri geliyo labada ergooyin ee kala la socda dib u xoreynta Soomaliya iyo DFKMGS oo sida la filaayo dhowaan wada hadalo uga furmi doono dalka Jabuuti.

Ilo ku dhow dhow Xaajiga, waxaay sheegayaan in uusan labada dhinac midna si gooni ah u taageersaneyn, balse waxaan qarsoodi aheyn in uu xariir qoto dheer iyo is-xush-meyn fara badan ka dhexeyso asaga iyo Sharfane Halyey Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo ah, siyaasiga xilligaan Soomaliya marka laga reebo Ra'iisul Wasaarihii hore ee DFKMGS. Prof. Ali Mohamed Ghedi ugu taageerayaal badan gudaha iyo dibadaba.

Xaaji Abuker Cumar Caddaani, waxaa lagu xusuustaa 1991dii xilligii USC dii xamar aay wax badan xumeyneysey, sidii uu uga xumaan jirey ficil laddii dhacaayey xilligaas sida xasuuqii dadka, boobistii hantiddii guud ee qaranki Soomaliyeed iyo middii gaar ahaaneedba wuxuuna oran jirey Xaajigu " Soomaliya caro Alle ayaa ku dhacdey ee Illaahay haloo noqdo" laakin xilligaas fikirka Xaajiga waxaa si xoogan uga soo hor jeedey inta badan taageerayaashii USC da oo caleeman qoyeyn lulaayey.

Xaajiga waxaa kaloo lagu xusuustaa isla sanadkaas badbaadintii beesha hadda lagu magacaabo" Nuux Mohamoud" horeysa loo oran jirey " Gaal Galo" oo runtii ah beesha beelaha Soomaliyeed ugu qiimo iyo qaayo badan.

Isla sanadkaas 1991dii, Xaaji Abuker waxaa lagu xusuustaa sameyntii xeraddii samafaleed ( Humanatrian Camp.) ee uu ka sameeyey agagaarka Baar Kulmiye ee deegaanka Suuqa Xoolaha, degmada Yaaqshiid ee uu yiri " ha soo gasho ciddii baqeysa amba baahan", Xaajiga sameynta mashruucaas waxaa uga baxey xoolo badan oo Alle siiyey, balse nasiib darro, taageerayaashii USC-da sanad-kaas meeshii aay ku arkaan Xaajiga waa aflagaadeyn jireen sida:- manifesto, Faqash, Ger Dheere, sulux iyo Gaal-gal iwm.

Siddeed iyo toban (18) sano ka dib, markuu Xaajigu arkey xumaantii xilligaas mid ka sii xun oo dhammaan Soomaliya gees ka gees xawli dheer ku ordeysa ayuu asigoon xil doon aheyn, ayuu Jabuuti iska xaadiriyey Xaajigu, si xal loogu helo xumaantaan Soomaliya ee xawliga dheer ku ordeysa belsa su'aashu waxay tahay, labada dhinac ma xushmeyn doonaan Xaajiga, Ra'iisul Wasaarahaan naadinaaya nabada, Caalamka hadda usoo jeestey wax u qabadka Soomaliya haddii aay heshiiso iyo xaalada xilligaan shacabka Soomaliyeed ku sugan yahay?.

Ugu danbeyntii, dhammaan taageerayaasha Xaaji Abuuker Cumar Caddaan iyo qoyskiisaba waxay mahad-celin ballaaran u direen Shacabka iyo Dawladda reer Jabuut, sidii xushmada lahey ee aay wadankooda Xaajiga ugu soo dhoweeyeen una dejiyeen qasri qiimo badan , ka gadaal markuu Xaajigu ka soo laabtay wadanka Kenya sanad-kii hore.



Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.
 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved