Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday June 13, 2008

Ciidamada Faransiiska oo taagero siinaya ciidanka Djibouti dagaalka ay kula jiraan Eritrea.

Saraakiil u hadashey ciidamada Faransiiska ee jooga Jabuuti ayaa sheegay inay ciidamada Faransiisku ay ka taageerayaan ciidanka Djibouti dhinacyada saadka, daawada, iyo waliba dhinaca wardoonka.

hadalkan ayaa yimid ka dib markii ciidanka Jabuuti ay dagaal fool ka fool ah ay iskala horyimaadeen ciidamada Eritrea oo sida la sheegey soo galey xuduudka dalka Jabuuti isla markaana maalmo isku horfadhiyey halkaas.

Faransiiska iyo dalka Jabouti ayaa waxaa ka dhexeeya heshiis ku saabsan iskaashiga dhinaca militariga ah oo dhex marey muddo haatan laga joogo in ka badan 30 sano waxaana uu heshaaskaasi dhigayey in jabouti ay saldhig military siiso Faransiiska iyadoo sidoo kalena ay ciidamada Faransiisku ay ka qeyb qaataan difaaca dalka Jabouti haddii lasoo weeraro.

dagaalka ka jira xuduudda ayaa la sheegey inuu fadhi ka yeeshey golaha amaanka ee QM waxaana uu goluhu eedda dusha ka saarey waddanka Eritrea oo la sheegey inay iyagu xuduudka soo gudbeen waxaana uu golaha Amaanku ugu baaqey in Eritrea ay dib ula laabato ciidankeeda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa Eritrea ugu baaqey inay ciidanka ay dhoobtey xuduudka Waqooyi ee Jibuuti ay dib ugu celiso dalkeeda isla markaana ay ilaaliso degenaanshaha gobolka.  

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved