Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday June 01, 2008

Waftiga Golaha Amaanka ee QM oo kula shiraya Kooxaha Soomaaliya dalka Djibouti.

Wafti ka socda golaha amaanka Qaramada Midoobay oo haatan socdaal ku jooga magaalada Jabuuti  ayaa doonaya inay halkaasi kula shiraan Dowladda Soomaaliya oiyo mucaaradka ka horjeeda waxaana  ay sidoo kale warbixinno kaga dhageysan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf iyo waliba waftiga ka socda Isbahaysiga dib u xoreynta oo lagu wado inuu hadalkooda halkaasi ka jeediyo ama ka akhriyo Sheekh Shariif Sh. Axmed.

waftigaas ka socda QM ayaa waxay doonayaan inay ku dhiirri galiyaan kooxaha Soomaalida inay ku dadaalaan sidii ay u heshiin lahaayeen iyagoo wada hadalka hadda lagu wado inuu ka furmo magaalada Djibouti waxaana uu waftigu doonayaan inay sida ugu dhaqsaha badan in loo guda galo sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo dhalin kara in la wada xaajoodo.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee Golaha Amaanka ee QM uu si toos ah usoo dhex galo wadahadalada Soomaalida iyagoo sidoo kalena ay golaha amaanku doonayaan in ay tagaan waddamo dhowr ah oo ka tirsan qaaradda Afrika oo ay ka jiraan dhibaatooyin ay keeneen dagaaladu.
 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved