Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday June 13, 2008

Jaaliyada Beesha Mudulood ee North America oo Taageera Buuxda U Diray Shirka Jabuuti


waxaa shir aad u balaaran ku qabtay qadka telephonka Gudoomiyaha Beesha Mudulood ee North America Caaqil Xaaji Max’ud Ali Jimcale “Koogaar” isla markaasna Caaqilka shir gudoominayay.

Shirkaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan jaaliyada Mudulood ee ku sugan North America iyo Yurub. Waxaana dhamaan aqoon yahanada, culumaa’udiinka, iyo ururada haweenka ee Beesha Mudulood ay ku go’aamiyeen in la garab istaago shirka Jabuuti kasoo soo celin kara rajadii dhuntay 18kii sano ku sugnaa dalka Soomaaliya.


Waxayna Hambalyo aan la soo koobi Karin u direen dadkii soo qaban qaabiyay iyo dalkii suurta geliyay in shirkaas lagu qabto. Caaqilka ayuu waxuu yiri “waa mahadsan yihiin walaalaheena Jabuuti iyo argayga Qaramada Midoobe” waxana shirkaas lagu lafa guray sida geesinimada leh ee Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib-U xoreynta Shiikh Shariif iyo wafdigiisaba ugu dadaaleen say dalka nabad ugu soo dabaali lahaayeen iyo waliba R/wasaaraha Dowlada KMG ah Mudane Nur Cadde sideey u soo dhaweysay mucaaradka una ogolaatay qodobada ay la yimaadeen walalahoda mucaaradka ahaa.

Waxaa halkaas beesha Mudulood ka muujiyeen shacuurtooda sideey diyaarka ugu yihiin in dalka Soomaaliya dhamaan nabad lagu soo dabaalo. Waxayna Beesha Mudulood ka dhawaajiyeen in Gudoomiye Sheekh Shariif Sh. Ahmed siduu walaalahiisa kale ee isku xisbiga ahaaayeen ee ku sugan Asmara uu uga dhaa dhacsiin lahaa inay ka soo qeyb galaan barnaamijka nabadeenta Xabadna aan wax lagu qabin Karin iyadoo wada hadalo wax lagu xalin karo iyo waliba inaay joojiyaan colaada ay u gurbaan tumayaan sababtoo ah colaad waa tan maanta shacabka Soomaaliyeed dhaxal siisay bur bur iyo dhimasho taasoo saameeysay Dalka iyo Dadkaba. Beesha Mudulood waxay ku soo af jareen shirkaa inay garab buuxa siin doonaan Heshiiska Jabuuti una tafa xaydan doonaan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskaas. “NABAD BAA NOLOL LEH”
 

Wabillahi Towfiiq
 

W/D: Muqtar Ahmed Mohamud “Katiitow”
katiitow@yahoo.com
 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved