Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday June 03, 2008

Senator Barack Obama oo lagu wado inuu noqdo Musharraxa u taagan Xisbiga Dmoqraadiga.

Senator Barack Obama oo u tartamayey inuu noqdo Madaxweynaha Mareykanka ayaa in muddo ah waxaa ay kala hari waayeen Senator Hillary Clinton oo ay ka wada tirsan yihiin Xisbiga Dimoqraadiga iyagoo mid waliba uu doonayey inuu isagu noqdo midka u taagan xisbigaasi lana baratamo Senatorka kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ah oo lagu magacaabo Sen. John McCain.

Baracka Obama oo ah nin madow waxaa uu noqonayaa ninkii madoobaa ee heerkaasi ka gaara doorashooyinka Mareykanka walina kama aanay dhicin dalka Mareykanka in qof madow ahi uu noqdo musharaxa ugu dambeeya ee aqalka cad kula tartama musharrax kale.

Barack Obama waxaa lagu wadaa inuu helo magacaabidda xisbigiisa ay u soo magacaabaan inay hardi xooggan kala hortago musharaxa kale ee ka socda Jamhuuriga waxaana ay magacaabistaasi dhaceysaa bisha Agoosto marka xisbiga Dimoqraadigu ay shirweyne isugu yimaadaan kaasi oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Denver ee gobolka Colorado.

Rajada laga qabo Obama inuu ku guuleysto hogaanka inuu u qabto Aqalka Cad ayaa la sheegayaa inay weyn tahay in kastoo doorashada ay wakhti badani ina xigo.Doorashaadi ayaa waxay dhaceysaa todobaadka ugu horreeya ee bisha November 2008 waxaana haddii uu ku guuleysto uu noqonayaa ninkii madoobaa ee waligiis halkaasi gaara.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved