Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday June 23, 2008

Sheekh Ibrahim Abdalla oo ku geeriyoodey Magaalda Abu Dabey.

Sheekh Ibraahim Abdalla oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Ururka xoreynta Ogaden, ayaa waxaa uu ku geeriyoodey waddanka Imaaraadka Carabta subaxnimadii hore ee Axaddii.

Sheekh Ibraahin waxaa uu ka mid ahaa dadka Fara ku tiriska ah ee wax walba u horey halganka loogu jiro sidii xornimo loo gaarsiin lahaa dhulka ay Itoobiya gumeysato ee Ogaden. Waxaana uu noloshiisa inteedii badneyd ku jirey halkanka la dagaalanka gumeysiga Itoobiya.

Sheekh Ibraahin waxaa uu ku dhashey magaaldaa Qallaafe sanadku markuu ahaa 1941kii, waxaana uu wax barashiisa hoose iyo dhexe ku qaatay isla  Qalaafe, ka tid waxaa uu waxbarashada sare ku dhameystey Jaamacadda Imaam Mohamed ee ku taalla Sucuudiga.

Markaasi ka dib Sheehku waxaa yimid Soomaaliya gaar ahaan magaalada Hargeysa halkaasi oo uu ka noqdey Macalin waxay ay markaasi ahayd 1973kii, saddex sano ka dib ayuu ku biirey Jabhaddii Soomali Galbeed.

Sheekh Ibraahim waxaa uu markii uu joogsadey dagaalkii lala galey Itoobiya uu ka mid noqdey koox dooneysay in halganka qaab kale loo waajaho waxaana uu sanadkii 1984 ka mid noqdey dadkii aasaasey Jabhadda ONLF oo hogaanka u qabatey halganka loogu jiro xornimo gaarsiinta dhulka Ogaden ee ay Itoobiya Gumeysato.

Sanadkii 1991 ayaa waxaa Sheekha loo doortey inuu noqdo Guddoomiya ONLF waxaana uu xilkaasi hayey ilaa laga soo gaaro sanadkii 1998kii.

Allaha u naxariistee Sheekh Ibraahim waxaa uu rumeysnaa in Itoobiya cadaadiska ay ku hayso dadka Soomaalida ah looga bixi karo midnimo iyo halgan hubeysan si loo helo xornimo nolol wanaagsan.

 

 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved