Friday June 06, 2008
Kulan looga hadlayey nabadda Xuduudda
Kenya iyo Soomaaliya oo ka dhacey Libooya.
Kulankan oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa kooxaha
maleeshiyadka soomaalida ah oo falalka Amni darida ah ka geysta gudaha dalka
keenya ayna ka qeybgaleen Mas’uuliyiinta deegaanka Dhoobleey ayaa waxa uu ka
dhacay magaalada Libooya Kenya.
Kulankaasi ayaa waxaa ka Qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya
Josof Mayangi
iyo xaubno uu hogaaminayay Gudoomiyaha degmada Dhoobleey Cali Xeseen (Cali
Dheere)
Gudoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ka codsaday wafdiga ka
socda Dhoobleey in ay Gacan ka geeystaan sidii loo soo qabqabanlahaa
kooxihii dhawaan weerarka ku qaaday saldhig boolis oo ku yaala gudaha Keenya
isla markaana ay ka qaatan hub iyo Gaadiid ay ciidamadaasi ku howlgalayeen,
iyagoo la soo galay gudaha deeganka dhoobley.
Gudoomiyha degmada dhoobleey ayaa sheegay inaney iyagu awood u laheyn
xakameynta Maleeshiyaadka falkaasi ku kacay,balse ay dadaali doonaan intii
ay kari karaan.
Maalmihii ugudanbeeyay ayaa dadka reer dhoobleey waxaa soo wajahday baqdin
xoog leh kadib markii ay arkeen diyaaradaha dagaalka ee Keenya oo dul
heehabaya deeganaasi kadib markii kooxo meleshiyooyin ah ay la soo galeen
deegankaasi hub iyo gaadiid ay ka soo qaateen ciidamada Kenya.
Ma aha markii ugu horeeysay oo waxyeelo loo geeysto ciidamada Kenya dhowr
kol oo hore ayaa maleeshiyooyin soomaali ah toogasho ku dileenAskarta
ilaalada xadka kala qeybiya labada dal.
Allceeldheer.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |