Sunday June 29, 2008
Shirkii XildhibaanadaDFKMG Ee Caasmidda
Wadanka Mareykanka Ee Washington,DC
Maalinkii Axada ee taariikhdu ahayd 22kii Juun waxaa Jaaliyada
Soomaaliyeed ee Washington, dc , Virginia iyo Maryland ay qabatay shir lagu
soo dhaweynayey wafdi Xildhibaanaa oo boqosho shaqo ku yimid dalka
Mareykanka oo ka koobnaa :-
Maxamuud Cabdi Xasan “PEGOS”
Axmed Omar Gaagaale
Jaaliyadu waxay shirka ku qabatay Hotelka “DAYS INN” ee ku yaala degmada
Alexandria ee Virginia.
Wafdiga oo ka soo qaybgalay laba shir oo lagu qabtay New York oo looga
hadlayey arimaha caafimaadka gaarahaan cudurka A.I.D.S iyo shir gaar ah oo
lagu falanqeeyey arimaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalalka soo
maray dagaalada iyo colaada sokeeye “Post Conflict Development and
reconstruction”.
Wafdiga wuxuu u soo jeediyey dadweynihii shirka ka soo qaybgalay warbixin ku
saabsan xaalada Soomaliya iyo dhibaatooyinka ka jira.
Xildhibaan Maxamud “PEGOS” ayaa si faahfaahsan uga warmay taariikhdii
shirarka dib u heshiisiinta iyo colaadihii asalka ahaa ee ka dhacay qaybo ka
mid Soomaliya. Sidoo kale Xildhibaan Axmed “Gaagaale” wuxuu soo gudbiyey
wararkii ugu danbeyey ee shirkii ka dhacay Jabuuti iyo sida la doonayo in
lagu hirgaliyo heshiiskaas.
Dadweyne tiro badan ayaa soo jeediyey talooyin iyo su’aalo ay qabeen oo laga
qanciyey. Ugu danbeyntii, waxaa wafdiga iyo ka qaybgalayaashii shirka mahad
naq u soo jeediyey Mr. Dayib Shiikh oo ku hadlayey magaca
Jaaliyada.islamarkaana ahaa xiriiriyaha Xaflada.
[1].jpg)
[1].jpg)
[1].jpg)
[1].jpg)
[1].jpg)
[1].jpg)
[1].jpg)
[1].jpg)
Waxaa shirka soo qabanqaabiyey:
Somali American Community Association
of Washington, DC Metropolitan.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |