Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wednesday June 11, 2008

Shirkii Djibouti uga socdey Soomaalida oo heshiis laga gaarey.

Shirkii Maalmahan loo fadhiyey magaalada Djibouti ee ay lahaayeen Kooxaha isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa Caawa waxaa lagu soo gaba gabeeyay isla Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti iyadoo Munaasabadii lagu soo xirayey wada hadaladaasina ay kasoo Qeyb galeen Ergooyin fara badan oo ka tirsan Beesha Caalamka.

Shirkaasi oo ay Soomaalidu aad uga war sugayeen ayaa waxaa uu ahaa mid aad u adag isla markaana aan la filaynin in si hawl yar la isku fahamsiiyo labada dhinac ee wada hadleysay si kastaba ha ahaatee waxaa maalintii shaley ay ahayd mid si aad ah jilbaha la isugu aastey waxaa amrarka qaarkood uu shirku ku sigtey in lagu kala tago.

Haddaba caawa ayey ergooyinku meel dhexe isugu yimaadeen iyadoo qolo waliba ay kasoo dabacdey halkii ay ku dhaganeyd waxaana ugu dambeyntii qalinka lagu duugey heshiis dhowr qodob ka kooban waxaana ka mid ahaa qodobadii lagu heshiiyey: 

 

1) In Xabad joojin laga hirgaliyo dalka oo dhjan muddo 90 maalmood ah oo ka bilaabata marka heshiiska la sixiixo.

(2) In muddo 120maalmood ah uu  golaha amaanka ee QM ku keeno Ciidamado  nabad ilaalina oo aysan ku jirin Ciidamada dariska la ah Dalka Soomaalia,

(3) In muddo 120-maalmood ah  Ciidamada Ethiopia Dalka looga saaro marka ay yimaadaan Ciidamada Caalamiga ah,

(4) In  ururka Isbabhaysigu iska fogeeyo Shaqsi kasta oo ka hor imaadaan heshiiskan,

(5) Indhinacyada oo dhan heshiiskaan fuliyaan oo Dalalka caalamka Kaalmo lawaydiisto,

(6) In 15-maalmood gudihood Gudi lagu shaqadiisu ahaandoonto ilaalinta xabad joojinta,

(7 )In 15 maalmood gudahood lagu dhiso gudi ka shaqeeya arimaha Siyaasada iyo Cadaalada ee dib u heshiisiinta,

(8) In Labada dhinac ay ka sheqeeyaan sidii loo fulinlahaa heshii

(9) In Beesha caalamka lawaydiisto Fulinta heshiisyadaan Mudo 6-bilooda,
 

heshiiskani ahaddii uu dhaqan gal noqdo waxaa la filan karaa in Soomaaliya ay noqoto meel dib u hesha degenaan iyo nolol caadi ah waxaana ay taasi soo afjareysaa sanooyin badan oo qas iyo walaahoow ah oo ay kusoo jireen dadka Soomaalida ah gaar ahaan gobolada Koonfureed.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved