Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday June 08, 2008

Shirkii Djibouti oo u muuqda mid lagu kala tagay isagoo aan lagu heshiin.

wararka aka imaanaya magaalada Djibouti ee xarunta Jamhuuriyadda Djibouti ayaa sheegaya in shirkii u socday kooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya ee ay dhexdhexaadinaysa QM uu ku sii siqayo ina lagu kala dareero isagoo aanay kasoo bixin wax lagu heshiiyey.

Sida ay qortey wakaaladda wararka ee Shiinaha (Xinhua) shirkasai waxaa lagu kala dareeray isagoo aan waxba lagu heshiinin waxaa kale oo ay wakaaladdu qortey in ergadii ka socotey Dowladdu ay diideen in la qabto wakhtiga ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya sidoo kale ergada ka socotey Ururka dib-u xoreynta Somaliya iyaguna waxay ku adkeysteen in wakhti cayiman loo qabto joogitaanka ciidamada Itoobiya lana sheego wakhtiga ay kla baxayaan dalka Soomaaliya.

Ahmedou Ould-Abdallah oo ah wakiilka uamada Midoobey ugu qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegey inuuu si aad ah uga niyad xun yahay waxa ka dhacaya hoolka shirka waxaana uu qirey in shirkaasi aanu mira dhal noqonin isagoo isla markaasna sheegey inuu doonayo inuu ku laabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu xafiis ku leeyahay.

Kooxaha ka horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa sheega had iyo jeer inaan nabad la kaari karin inta ciidanka Itoobiya ay joogaan Soomaaliya, sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa mar walba waxay ku celcelisaa inaan ciidanka Itoobiya aaney dalka ka baxaynin inta la helayo ciidamo caalami ah oo baddala waxaana ay arintaasi noqotey qodobka ugu weyn ee mar walba la isku mari waayo.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved