Sunday June 22, 2008
Sucuudiga oo ku dhawaaqey inuu
kordhinayo soo saarka Saliidda.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta shaaca ka qaadey inay kordhineyso wax
soo saarkeeda dhinaca Batroolka, ku dhawaaqistan ayaa waxaa uu yimid ka dib
markii shir caalami ah lagu qabtey magaalda Jiddah kaasi oo lagaga hadlayey
dhibaatada ay keentay kor u kaca qiimaha saliidda caalamka oo gaartey heer
aan la filaynin.
Wasiirka Batroolka ee Sucuudig Cali Al Naimi ayaa waxaa uu sheegey in
dalkiisu uu doonayo in sicirka saliidda la keeno heer macquul ah waxaa kale
oo uu sheegey in dalkiisu uu doonayo inuu gaarsiiyo tirada Batroolka uu soo
saaro 9.7 million oo Fuusto maalin walba taasi oo ka bilaabaneysa bisha soo
socota ee July.
Sucuudiga oo ah dalka ugu weyn dunida marka la eego soo saaritaanka
Batroolka ayaa waxaa uu gaarsiinayaa wax soo saarkiisa heerkii ugu sarreeyey
tan iyo 1981 oo mar sidan oo kalea uu aad kor ugu uqaadey soo saarista
Batroolka.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo dhaweeyey Tallaabada Sucuudigu qaadey
waxaana ay ku tilmaameen mid waxa ka tareysa sicirka Saliidda ee maanta
maraya meel sare.
Qiimaha la kala siisto Batroolka ayaa waxaa uu marayaa meeshii ugu
sarreysay taariikhda waxaana uu noqdey mid laban laab gaarey muddo hal sano
gudohood ah waxaana haatan la filayaa inuu hoos u dhaco maalmaha soo socda
iyadoo laga yaabo in aanu wax weyn ka badalin marka la fiiriyo sida uu
maanta yahay.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |