Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday June 07, 2008

Wariyihii BBC-da ee Kismaayo oo lagu diley isla Kismaayo.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolkaasi J/hoose ayaa sheegaya in caawo fiid hore dil baraar ahaa loo geystay weriyihii idaacada BBCda laanteeda Af-Somaliga, Alle ha u naxariistee Nasteex Daahir Faarax xili weriyuhu uu ku sii jeeday gurigiisa.

Dilkaasi ayaa la sheegay in ay geysteen kooxo dabley ahaa oo ku hubeysnaa hub gacmeedka loo yaqaano Bastooladaha kuwaasi oo rasaas la beegsaday weriye Nasteex Daahir.

Nasteex ayaa dhaawaciisa durbaba loola deg degay isbitaalka weyn ee magaalada halkaasi oo daqiiqado yar ka gadaal uu ku geeriyooday sida ay howl wadeenada caafimaadka isbitaalkaasi ay xaqiijiyeen goor dhaweyd.

Ilaa iyo iminka ma cadda sababaha rasmiyan ka dambeeya dilkaasi foosha xun ee lagu qaarajiyay Mr Nastees Daahir.
 

Dilka Nasteex

 

HornAfrik

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved