Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday June 29, 2008

Baroordiiq loo sameeyey Marxuum Sheekh Axmed Gabbale.‏

Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan Gobalka Minnesota iyo gobalada ku dhaw dhaw ayaa  baroor-diiq iyo fiddow aqris u sameeyay Alaha u naxariistee marxuun Sheekh Axmed Gabale oo bishaan June 16keedii, sannadka 2008, Ku geeriyooday magaala madaxda Soomaliya ee Muqdishu.
 
Kulanka baroor diiqda iyo fiddow aqriska waxaa lagu qabtay dugsi loogu magac darey madaxweynihii ugu horreeyey  Soomaliya, ( first President of Somalia)   H.E. Al Haji  Aadan Cabdulle Cismaan ( Academic) ee magaalada Rochester ee gobalka Minnesota, taariikhdu markey aheyd  Sabti, June 28, 2008.
 
Alaha u naxariistee maadaama uu marxuunku ka mid ahaay culumaa'udiinka waaweyn ee Soomaliyeed, waxaa ka soo qeyb galay Fiddow aqriskaas iyo baroor diiqdaas loo sameeyey Alaha unaxariistee  marxuun Sheekh Axmed Gabale dad-weyne aad u fara badan, Culumaa'udiin iyo mas'uuliyiin sar sare oo qaar-kood wiji-yadooda ka muuqaneysay tiiraanyo iyo mad-luunimo aad u xooganeed.
 
Munaasibadaas oo si heer sare ah  loo soo agaasimay ayaa ku bilaabatay "Aayado Qur'aan ah" oo uu aqriyey Macallim Axmed Xalane, waxaa xigey wacdiyo dhaadheer oo leysku xusuusinaayay Aaqiro iyo in  aan adduunkaan lagu waareyn,  Nabi Ammaan,  subac aqris iyo  Qaar ka mid ah Mashaayiiqda ugu caansan Soomalida oo Qadka Teleefonka uga soo qeyb galay kulankaas, iyagoo jooga magaala madaxda Soomaliya ee Muqdishu, waxayna dhammaantood u duceeyeen  marxuunkii dhowaan geeriyooday Sheekh Axmed Gabale,  mashaayiiqdii ka hor geeriyootay, ka soo qeyb galayaashii kulankaas iyo in Ilaahay Shacabka Soomaliyeed ka dul-qaado dhibaatadda,  todobo iyo toban (17) sano  iyo lix bilood  jirsatey. Diseember 31st  1990 -  June, 2008.
 

Ugu danbeyntii, culumaa'udiin waaweyn oo aad looga yaqaan inta badan Soomaaliya, gaar ahaan  koofurta Soomaliya iyo Mas'uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabatay  Dowladdii  Sifiliga aheyd , iyo tii Milateriga aheyd, (  Somalia's former Civilian Government and Military Regime members), ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedkii marxuun Sheekh Axmed Gabale, oo  dhammaan ka soo qeyb galayaashii  kulankaas intoodii badneed  indhahooda ilmo ka soo daadatey, ka gadaal markii laga sheekeeyey sidii uu  marxuunku ugu dabiibi jirey  Diinta Ilaahay bukaanada aay  dabeylaha buka aay  dar-dareen  lixdankii (60) sano ee la soo dhaafey ( mysterious traume patients treater by miracle ways for more than six decades), iyo  doorkii uu ka soo qaatay fidinta Diinta Islaamka, asagoo Mawlacyo badan ka soo sameeyey meelo badan oo Soomaliya ka mid ah sida:- Fiida Jameeco, Xaradheere, Aaden Yabel, Naawir, Cali Guduud, Cadale, Warsheekh, Xamar iyo Qalimow oo aheyd Xaruntiisa ugu weyneed.
 
 Ma dhinte waa  Ilaah,  waana dhab in aaynu dhammaanteyno  qof qof geerida u dhe-dhe-min-doonno ee Aaqiro haloo diyaar garoobo walaalayaal Rag iyo Dumarba, sidaas waxaa Fiddow aqriskii iyo Baroor diiqdii loo sameeyey Alaha unaxariistee marxuun Sheekh Ahmed Gabale ku soo gabagabeeyey Guddoomiyihii Guddigii qabanqaabada  Macallim Axmed Maxamed  Hassan  ( Macillim Ahmed Buraale)
 
 



 
Sawir Qaade: C/allhi Cali C. Bagaxey (Yaah Yaah)
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved