Saturday June 28, 2008
Zenawi Asres oo ahaa R/wasaaraha
Itoobiya Aabihiis oo ku geeriyoodey magaalada Adwa.
Zenawi Asres oo aabo u ahaa Ra'iisal wasaaraha Itobiya Meles Zenawi ayaa
waxaa uu ku geeriyoodey magaalada Adwa ee gobolka Tigre ee dalka Itoobiya.
Zenawi Asres waxaa uu ahaa 83 jir waxaana uu u dhintey xanuun iska caadi
ah isla markaana si aad ah looma faahfaahinin geeridiisa waxaana la
sheegayaa in lagu aasey isla magaaldaas oo uu wax badan ku noolaa.
Zenawi Asres waxaa uu wakhtigiisa intii badneyd kasoo shaqeeyey
Kaniisadaha iyo waliba ururo samafal waxaana sidaasi sheegtey wakaalda
wararka ee Itoobiya.
R/wasaaraha Itoobiya iyo qoyskiisa ayaa la sheegey inay ka qeyb galeen
aaskii loo sameeyey Zenawi waxaa kale oo xabaasha yimid dad aad u fara badan
oo ku nool magaalada Adwa ee gobolka Tigre ee waqooyiga bari ee Itoobiya.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |