Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday June 22, 2008

Mucaaradka Zimbabwe oo sheegey inay inaysan ka qeyb qaadan doonin doorashada.

Ururka Macaaradka Zimbabwe ee  lagu magacaabo MDC ee uu hogaamiyo Morgan Tsvangirai ayaa go'aan ku gaarey in aysan ka qeyb qaadanin doorashada lagu wadey inay dhacdo dabayaaqada bishn June.

Hogaamiyaha ururka Mucaaradka ee Zimbabwe   Morgan Tsvangirai ayaa warbaahinta u sheegey in waddanka Zimbabwe uu waajahay dagaal okeeye isla markaasna aanu dooneynin in uu isagu ka qeyb qaato dagaal ay dad ku dhintaan.

 Tsvangirai waxaa uu sheegey in madaxweynaha Zimbabwe Mugabe uu dhibaato ku hayo taageerayaasha xisbiga MDC oo uu ku cadaadinayo inay ka haraan taageerada xisbiga MDC.

Waddamada Reer galbeedka ayaa intooda badani waxay doonayaan inay cadaadis saaraan Mugabe sidii uu ugu hogaansami lahaa in doorashadu u dhacdo si caddaalad ah waxaana hadda ay u muuqataa xaaladdu mid aan u wanaagsanayn  xisbiga mucaaadka iyo dowladaba waxaana dhici karta inay adkaato in doorasho kale ka dhacdo waddanka Zimbabwe wakhtiyadan la joogo.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved