Saturday May 24, 2008
Gudoomiyaha Beesha Mudulood ee North
America Caaqil Koogaar oo warsaxafadeed Soo Saaray.
Caaqil
Xaaji Maxamud Cali Jimcale (Koogaar) ayaa waxuu soo saaray warsaxafaded ku
aadan Dastruuka Cusub ee Federalka ee dhawaan la diyaarin doono. Hadaba war
saxafadeedkaas ayuu waxuu u dhigay sidan Caaqil Koogaar.
WARSAXAFADEED
Waxaan u soo jedinayaa dowlada Federaaliga ah iyo waliba Hay’adaha ku
shaqada leh inay soo diyaariyaan dastuurka Federaalka ee Dalka Soomaaliya
inay ka fiirsadaaan wararka hoose ee sheegaya inay Muqdisho caasimad tahay
beel walbana loo dooran karo inay gobolkaas hogaamin karto sababtoo ah ma
socon doonto arinta ah “KAAGANA KULA LIHI KEEYGANA LIHI”
Muqdisho waa caasimda laakin taas macnaheedu maaha Beeshii xaqa u lahayd
inaysan hogaamin gobolka Banaadir. Caasimada gobolkan waxuu ku naqday waxay
tahay Madaxtooyada iyo xarumaha dowlada ayaa ku yaal muwaadin kasta oo
Soomaali ah waa ku noolaan karaa wuuna degi karaa laakiin maadaama ay
Dowladu tahay Federaal. Muqdishana Federaalka ayay wax la qabtaa beeshii
lahayd Gobolkaas ayaana xaq u yeelan doonta inay madax ka noqdaan Gobolka
Banaadir iyo nawaaxigiisaba.
TALO SOO JEEDIN
Waxaan rajaynayaa ayuu Caaqil Koogaar yiri “ madaxda ugu sareysa Dowlada
sida M/weynaha, R/Wasaraha iyo waliba Gudoomiyaha Barlamaanka ee Dowlada
Federaalka inay xaqa tageeraan oo laga djowro wixii u keeni kara musuq
maasuq dastuurka cusub ee la doonayo in dhawaan la soo dhisi doono. Hadii
mar uun qaldamo dastuurka Federaalka waxan dhihi karaa waxaa qaldami doonaa
dhamaan dastruurka dalka Soomaaliyeed oo dhan loo soo dajiyay ee fadlan hala
dhowro xaquuqda ay xaqa u lee yihiin dhamaan gobolada kale oo dhan sida ay
wax u helaana waa in Muqdisho u hesho.
Waxaan kaloo halkan ugu soo jeedinayaa anigoo ah Caqil Koogaar xubnaha
barlamaanka Federaalka qaarkood oo soo jeediyay inaan xiligan laga gaarin in
dastuurka la dhamaystiro dowladuna ay wax yar u dhiman tahay inay daayaan is
hortaaga ay ku hayaan dhamaan shacabka soomaaliya waxaana taageerayaa in la
bilaabo sida ugu dhaqsaha badan in dastuurka la hirgeliyo la tashiyana lala
sameeyo dhamaan Gobolada Soomaaliya gaar ahaan Beesha ka soo jeeda Gobolka
Banaadir ee Mudulood.
Wabilihaai Towfiiq
Waxaa soo diyaariyay
Wariye Muqtaar Ahmed Mohamud “Katiitow”
katiitoow@yahoo.com
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |