Friday May 30, 2008
Ciidamada daacad u ah maxaakiimta oo la
sheegey inay qabteen Xil.Cismaan Caato.
Warar kasoo baxaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tibaaxaya in ciidamo
daacad u ah Maxaakiimta Islaamka ay qabteen Xildhibaan Cismaan Xasan Cali
Caato oo socdaal ku marayey degaanka Leego.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Cismaan Caato la qabtey isagoo markaasi
kusii jeeday dhinaca magaalada Baydhabo kana yimid Muqdisho, waxaana la
sheegayaa in aan war sugan laga haynin halka ay u kaxeysteen iyo waxa ay ka
yeeli doonaan.
Waa amrkii ugu horreysay ee ciidanka Maxaakiimtu ay qabsadaan Xildhibaan
ka tirsan dowladda KMG ah tan iyo intii awoodda laga tuurey bishii Janaayo
2007dii, iyagoo dagaallo kula jirey wixii markaasi ka dambeeyey ciidamada
Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo uu ka dhexeeyo iskaashi ku saabsan
dagaalda Soomaaliya.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |