Monday May 26, 2008
Dabeylo xoogan oo dad ku diley Gobolada
Minnesota iyo Iowa ee Mareykanka.
Dabeylo iyo roobab wada socada ayaa waxay dad ku dileen Maanta (Isniin)
magaalooyin ka tirsan gobolada Minnesota iyo Iowa. dabeylahaasi oo qaarkood
ay la socdeen dhagax sida roobka u da'aya ayaa wax yeello u geystey
magaalada Parkersburg oo w/bari kaga toosan magaalda Des Moines oo ah
magaalda ugu weyn gobolka Iowa. Sida ay ku warramayaan saraakiisha amaanka
ee gobolkaas dadka waxyeeladu soo gaartey ayaa lagu sheegey inay gaarayaan
50 qofood oo intooda badani ay dhaawac yihiin, waxaa kale oo duufaantaasi ay
burburisay guryo aad u badan.
Gobolka Minnesota ayaa waxaa sidoo kale ku dhufatey dabeyshaasi waxaana
ay si xoog leh u martey duleedka magaalada Saint Paul oo ah xarunta gobolka
Minnesota waxaana burburisay xaafada ku yaalla halka lagu magacaabo Hugo,
sarkaal u hadley maamulka gobolka Minnesota oo lagu magacaabo Mike Ericson
ayaa sheegey in dad gaaraya 20 labaatan la la'yahay waxaana la sheegayaa in
guryo gaaraya ilaa 40 guri ay dabeylahaasi wax yeello u geysteen.
Dadkii ku dhaawacmey duufaantaasi ayaa loola cararey Isbitaalka lagu
magacaabo Regions Hospital ee magaalada St.Paul. Roobabka ka da'aya
gobollo badan oo Mareykanka ku yaalla ayaa sababa inay dhashaan duufaanno
xooggan kuwaasi oo bur bur iyo khasaare gaarsiiya gobolada Mareykanka.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |