Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday May 31, 2008

Dagaal culus oo ka dhacey meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dagaallo ayaa laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah xaafadaha magaalda Muqdisho, dagaaladaasi waxaa ay dhexmarayaan Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka horjeeda.

Dagaaladaas ayaa la sheegey in xoogooodu ay ka dhaceen xaafadda Hodon, waaxaana jirtey in kooxaha ka horjeeda Dowladda KMG ah iyo ciidamada Itoobiya ay markii hore weerar ku qaadeen xeryaha ay degan yihiin ciidamada Itoobiya.

Weerarkii lagu qaadey ciidamada Itoobiya ka dib ayey ciidamada jawaab culus ka bixiyeen iyagoo madaafiic ugu jawaabey waxaana la sheegayaa in markii dambe ay xaaladdu qabowday.

Waxay noqotey wax iska caadi ah in dagaaladu si fudud uga qarxaan magaalada Muqdisho iyadoo dadka degaanku ay mar walba filanayaan in dagaal dhaco waxaana ay arrintaasi noqotey mid ka mid ah nolosha magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved