| |
Saturday May 31, 2008
Deeq lacageed oo ay soo direen
Jaaliyadda Dibadda oo loo qeybiyey dadka btabaaleyssan ee Ceeldheer.
Deeqdaasi lacageed oo gaaraysa 2115 Dollarka Maraykanka ah,una dhiganta
62 Millian 4 boqol iyo 50 kun Shillin Somali ah,waxaana loo qaybiyay in ka
badan boqol qoys,kuwaasi oo aad u liita una baahnaa kaalmadaasi uga timid
Walaalahooda.
Munasabadaasi guddoonsiinta Deeqdaasi waxaa ka qaybqaatay culumaaudiin iyo
Odoyaasha Magalada Ceeldher oo ay a mid ahaayeen Shiikh Cabbaas Shiikh
xuseen,Shiikh Maxamed Daauud Maxamed,Shikh daauud Macalin Joqof,Cali Raage
Mataan,Cali Culusow Cali Madax iyo Ibraahin Shiikh Axmed Caraay.
Hadalo gaban oo ay halkaasi ka soo jeediyeeen waxa ay sheegeen in deeqdani
ay tahaya mid ay walaalahoodu u soo diibeen,waxayna uga mahadceliyeen
Kaalmadaasi wax ku oolka ah,iyagoo ka codsaday hayadaha caalamaiga ah inay
la soo gaaraan dadakaasi kaalmo>
Culumada iyo Odoyaashu waxay kaloo ugu baaqayaan Jaaliyadaha kale inay gacan
ka gaystaan u kaalmaynta dadkooda,isla markaana ay la socdaan xaalaaha ka
taagan Degaankooda,ayna si deg-deg ah ula qaybqaataan taaakulayntooda.
deeqdani ayaa ka dambaysay kadib markii Bogga Alllceeldheer in muddo ah uu
wax ka qorayay Xaaladda ka taagan Deegaanka,isla markaana loo furo sanduuq
dhaqaale loogu ururinayo dadka tabaalaysan,waxaaana ilaa iyo hadda si wayn
uga soo jawaabay Jaaliyadda ku dhaqan dalka ingiriika,waxaase looga fadhiyaa
Jaaaiyadaha kale inay kaaalmadaasi ka qaybqaataan.
Xigasho
Allceeldheer.com
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|