Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday May 25, 2008

Guddi ay leeyihiin wariyeyaasha Soomaalida oo Nayroobi lagu sameeyey.

Kulan balaaran oo ay kazoo qeyb galeen inta badan suxufiin kazoo cararay dalka Soomaaliya gaar ahaan koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay ka dhacda Hotel Kaah oo ku yaala magaalada Nairobi.
Kulankani ayaa ahaa mid ku dhawaaqis ah sidii gudi ay u yeelan lahaayeen Suxufiyiin Soomaaliyeed oo dhibaatooyin ku haysta gudaha dalka Kenya sidii wax loogu qaban lahaa waxaana halkaasi ka hadlay wariyeyaal dalka Soomaaliya caan ka ahaa.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Wasiirkii hore ee warfaafinta haatana ah Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ka hadlay marxaladihii ay soo mareen wariyeyaahsha isagoo kazoo bilaabay tan iyo markii dowlada Federaalka ay soo degtay gudaha Somalia gaar ahaan magaalada Jowhar xiligaasi oo uu wasiirka Warfaafinta ahaa.

Wariye Cabdixakiim Cumar Jimcaale oo kusoo dhaawacmay dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in deeq loogu aruurinayo magaalada Nairobi iyadoo isla goobtii ay dadkii kazoo qeyb galay ay u balanqaadeen lacago uu Cisbitaalka isaga bixin doono.

Ganacsatada Magaalada Nairobi nin u hadlay ayaa sheegay inuu ku dhex wareegi doono ganacsatada Suuqa Islii islamarkaana uu usoo uruurin doono wax allele wixii Allah ugu soo qaado.

Nabadoon Culusow Maxamed Amiin oo ahaa oday da’ ah ayaa sheegay inuusan waligii soo qixin tan iyo waagii Talyaaniga iyo Ingriiska ay Somalia gumaysan jireen balse uu haatan kazoo qaxay dalka Somalia dhibaatada jirta awgeedna uu u duceeyey Suxufiinta Soomaaliyeed isagoo ugu deeqay lacag lagu dabiibayo wiilka Wariyeha ah ee lagu soo dhaawacay dalka Soomaaliya.

Guud ahaan kulankani ayaa ahaa mid si heer sare loo soo abaabulay oo sidii loogu talo galay ku dhacay wariyeyaashii ka hadlayna waxay ka sinaayeen wacyi galinta sidii dalka dib loogu laaban lahaa iyo sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wariyeyaashii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa, Maxamed Cabdulaahi Siidii oo ka hadlay website cusub oo uu gacanta ku hayo looguna magac daray www.wariyaha.com oo aan haysan wax dhaqaalo haba yareete loona baahan yahay in la caawiyo.

Iyadoo sidoo kale uu ka hadlay Wariye C/naasir Maxamed Cumar Zeero, C/laahi Maxamed Xasan Black, C/wali Garyare oo isagu balan qaaday inu xafiis iyo computer ay ku shaqeystaan siin doona shabakada cusub.

Dhamaan intii ka hadashay waxay ku booriyeen ururkan gudiga cusub inay noqdaan kuwa wax u qabta Wariyeyaasha soo qaxay.

Gudigan ayaa waxaa madax u ah:

Gudoomiye Cabdulaahi Maxamed Xuseen Taajiroow.
Xoghayeha guud Axmed Cali Shiikh iyo xubno kale oo badan oo aanan inoo suuragalin inaan helno magacyadooda.

Guntii iyo gabagabadii ayaaa lagu balamay in maalinta Axada soo socota ay wariyeyaasha ku balameen inay kulan ku yeelan doonaan magaalada Nairobi.

 

Somalidamaanta.com

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved