Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday May 26, 2008

Qarax aan la garaneyn ayaa ka dhacey deganka Bu'aale ee Jubbada Dhexe.

qarax xooggan oo aan la garanaynin cidda ka dambeysay ayaa la sheegeyaa inuu ka dhacey meel waqooyiga kaga beegan degmada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubada dhexe.

Qaraxan ayaa dadka qaarkii waxa ay ku macnaynyaan inuu ahaa mid ay diyaraaradaha Maraykanku ay halkaasi duqayn ugaysteen iyagoo duqayntaasi ku bartil maansanaya midawga maxaakiimta Islaamiga ah iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan urur waynahaasi iyagoo dadkaasi Dawlada Marykanku ku tilmaano inay yihiin argagaxiso caalami ah kuwaas oo ay inta badan baadi goob ugu jiraan sidii ay usoo qaban lahaayeen.


Dhan kale qaraxan ayaa waxaa lagu tilmaamayaa inuu ahaa xidig dhacday taas oo ay dadka kunool magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere ay sheegeen kadib mar ay shabakada afnugaal xidhiidh la samaysay inay arkayeen dab soo dhacaya oo u ekaa xidig soo dhacaysa taas oo ay meesha ka saareen inay qaraxu ahaa duqayn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanku ayna ku tilmaameen inuu ahaa xidig soo dhacday kuna soo dhacday dhulka.



Shaki laga qabo in Ciidamada Mareykanku ay weeraraan degaanadaas ayaa dadku marakiiba waxay u qaateen in xaalku u muuqdo duqeyn dhinaca cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha Mareykanka ee daba jooga dad ay raadinayeen waayadan dambe.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved