Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday May 30, 2008

Maxaa looga hadley shirkii golaha wasiirada ee maanta ka dhacey Muqdisho.

Golaha wasiirada ee dowlada FKMG ah ayaa maanta waxay shir ku yeesheen magaalda Muqdisho halkaasi oo uu goob ka ahaa wasiirka Koowaad ee Dowladda Muddane Nuur Xasan Xuseen.

Shirkaasi oo markii uu dhamaadey uu warbaahinta la hadley Afhayeenka Dowladda Cabdi X. Goobdoon ayaa waxaa uu sheegeuy in shirkaasi lagu lafa gurey sidii howlaha wasaaradaha loo ballaarin lahaa iyo nidaamka dhismaha maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaa kale oo halkaasi laga hadley howlaha dib u heshiisiinta ee haatan lagu guda jiro.

Goobdoon waxaa uu sheegey in sida uu qabo Axdiga KMG ah ay yahay in la dadajiyo dhismaha maamulada gobolada dalka iyadoo la ballaarinayo maamul u sameynta lana gaarsiiyo ilaa iyo heer tuullo.

Ugu dambeyntii Md. Goobdoon waxaa uu sheegey in shirkaasi lagu soo qaadey sidii gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose loogu sameyn lahaa Maamul ay dadku soo doorteen.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved