Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday June 03, 2008

Kooxo hubeysan oo taageersan Maxaakiimta ayaa al sheegayaa inay  qabsadeen Manaas ka dibna ay ka baxeen.

Warar aan aad loo xaqiijin karin ayaa waxay sheegayaan in ciidamo hubeysan ay la wareegeen xerada Manaas oo hore  u ahayd xero  Ciidan oo ay isticmaalaan Ciidanka Minitariga Dowlada KMG Soomaaliya wararka ayaa waxay tibaaxayaan in subaxnimadii hore ee saaka  ay dagaalo ku dhexmareen Ciidamo Dowalada KMG Soomaaliya iyo Xoogag ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo iyagu doolaan kusoo qaadey halkaasi.

Deegaanka Manaas ayaa idagu aan lahayn wax isgaarsiin ah oo madax banaan ama Telefoon taasina waxay keentay in si dhaqso loo ogaan waayo waxa halkaas ka dhacey  hase yeeshee warar kasoo baxaya dadka degaanka ayaa waxay qirayaan ciidamadii duulaanka soo qaadey ay wareegeen xeradaasi waxaana ay joogeen muddo gaaban ka dibna waa ay ka baxeen iyadoo la sheegayo inay halkaas ka qaateen qalabkii yaalley.

Taliyaha Booliska qaybta Gobolka Bay Gaashaanle Sare Cabdi Macalin oo Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in aysan Jirin wax qasare ah oo la garsiiyay dhinacooda iyo Gaadiid laga qabsaday Midna,Manaasna ay haatan Joogan Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya.

Bilihii ina dhaafey meelo ka mid ah gobolka bay ayey qabsanayeen ciidamada ka horjeeda Dowladda ka dibna waa ay ka baxayeen marka ay in muddo ah joogaan iyagoo sheegaya inay ka ilaalinayaa Dowladda iyo ciidamada itoobiyaanka.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved